HOME

      Waxbarasho

      MAQAALLO

      ISLAM

      KEYDKA WARARKII

      NALASOO XIRIIR

     
     

     


AUDIO LINKS
BBC       11:00
BBC       14:00
BBC       18:00
VOA      17:00 GMT

 

SOMALI LINKS

Aayaha
Allbanaadir
Dayniile
Hiiraan
Kismaayonews
Onkod
Soomaalinews
Somalitalk
Shabelle
Qaadisiya

BOGAG ISLAAMI AH

Addacwah
Aflax
Altaqwaa
Benadir Islam
Boqolsoon
Quran
Islamonline
Learn about Islam
Risaala
Runta
Waano
Waaniye

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Maxaad ka taqaanaa deegaanka Buurweyn?

 

Buurweyn waxay ahaan jirtay tuulo ka tirsan degamada BuuloBurto. Waxayna ku taalla dhul Istaraatiiji ah iyadoo bartanka kaga taal jidka laamiga ah ee isku xira BuuloBurto iyo Jowhar, waxeey kaloo isku xitraa magaalada Muqdisho iyo Gobalada Dhexe Ee Soomaaliya iyo kuwa fog ee Bari iyo Waqooyi.

 

Muddadii 16 sano ee ugu dambaysay tuuladaan aad ayay u kortay. Waxaa soo degay dad badan oo ka soo guuray dhibaatooyinka ka jiray magaalooyinka sida Xamar, Jowhar iyo Buulo Burto. Waxaa mudan in la xuso dad faro badan oo baadiyaha ku hareereesan ku dhaqi jiray xoolaha inay soo degeen duruufo awgood. Waxaa kaloo ay ka faaiday, sida degmooyin badan oo Somalia ku yaal, dad kii iyada ka qaxay oo degay Europe, America ama Bariga Dhexe, oo dib ugu soo diray dhaqaale ay ku kobacday.

 

Degamada Buurweyn Geography ahaan waxay hiiraankaga taalla 35 km. Koofurta

BuuloBurto.

 

Tuuladii Buurweyn ahayd waxay maanta isu beddeshay degmo dad keeda ay rabaan inay ku gorgor tamaan dhinaca siyaasadda, bulshada iyo dhaqaalaha.

 

Degmada waxay qeyb ahaan ku dul taalla fiiq buur dhagaxeed ah oo ka sammaysan “limestone” iyo dhagaxa “marl” loo yaqaan, waana tan keentay in loogu magac daro degmada.

 

 

Buur Dhagaxeed ka sameysan "Limestone" (Sawirkaan waa sawir lagasoo qaaday buurta korkeeda)

  

 

Dhagaxaan waa maanyo-fuul barbarro la ah webiga oo marna ku soo dhawaada, marna ka fogaada. Marka laga soo bilaabo Beled Weyne, la soo maro Samatara iyo Jiiqley,

BuuloBurto, Buurweyn iyo meel xoogaa u jirta Tuulada Fiidow dhagaxaan waa is haystaa; waana galbeedka webiga. Dhulka Gabiibka ah oo beeraha ku fiican mar kasta dhinaca Galbeedka webiga Shabeelle waxaa soo ciriiriya dhagaxaan. Sidaas awgeed dhulka beeraha waxuu u dhexeeyaa webiga iyo dhagaxda.

 

 


Beer sisin ah oo ku taala nawaaxiga Buurweyn

 

 

Markaan ku soo laabto Buurweyn dhul beereedkeeda waxuu ku yaalla dhinaca webiga xigta oo bariga magaalada ah. Dhulka beeraha waxaa ku badan tuulooyin beeraleey ay deggan yihiin sida Xamurow, Jameeco Mubaarak, Xamiir Gaab, Xisin, Siibaay, Adan Fanaweyne, Afcade, Kili Lafoole, Dhogor Weyne, Buurdheere, Cariishely iyo Aniin. Kagadaalna webiga wuxuu u sii qulqulaa tuulooyinka Jalalaqsi Waqooyiga ka ga aaddan, sida Garoor Dhame, Dhay Malaay iyo Heladhaleey iyo Degmada Jalalaqsi.

 

 

 


Buundada jalalaqsi

 


Buundada Jalalaqsi

 

Haddii koofur loo raaco jid ka laamiga, waxaad sii maraysaa Jibileey, Xararlugoole, Quracle, Fiidow, Burco dheer, Cadaloow, Dhiin Garas, Dhurwaayle iyo Jowhar.

 

 

Wadada fiidow

 

 

Dhiingaras iyo Fiidow waxaa u dhexeeya Kiliga Shiinaha oo ah meel Webiga Shabeelle uu ka soo biyo baxo sannad kasta. Kiliga biyaha wuxuu u qaadaa dhinaca galbeed-koofureed asagoo hoos maraayo Buundada Kiliga Shiinaha. Killiga Shiinaha wuxuu suurta geliyay in la beerto dhul aad u weyn oo Galbeed ka koofureed Fiidow kaga aaddan.

 

Dhagaxa Buurweyn wuxuu leeyahay faa’idooyin badan oo ay ka mid tahay in loo isticmaalo “aggregates” lagu dhiso jidadka iyo shubka guryaha. Waa meesha ugu dhow oo ay Jowhar ka qaadan karto dhagax dhismeed. Dhagaxii lagu dhisay Jidka Jowhar illaa Buulo Burte waxaa laga soo saaray Buurweyn.

 

Dhagaxa Galbeed ka ah Buurweyn waa dhul carro-san ah oo daaqa xoolaha ku fiican. Dad ka iyo xoolaha way ka fog yihiin qaniinka iyo dhilmaayada aafaysay dadka deggan jiinka Webiga Shabeelle. Dadka iyo xoolaha aad ayay ugu tarmaan; waxaana lagu dhaqdaa geel, eri iyo ido.

 

Buurweyn waxa ay kamid tahay dagmooyinka ugu qadiimsan gobalka Hiiraan iyadoo tacbashada Beeraha iyo xoolaha, dadka reer Buurweyn ay ka dhigtay in dhaqaalahoodu xoogeysto, taasoo keentay in dadka reer Hiiraan iyo gobolada ku dhawba ay isugu yimaadaan Suuqa Buurweyn si eey u kala ganacsadaan maalmaha Isniinta iyo Khamiista

 

Beer

 

Dhanka wax barashada Buurweyn waxaa ku yaalo Primary school oo ay dadka degmada iyo nawaaxigeeda dhigtaan, inkastoo waddanka 16 sano burbursanaa haddana waxaa sahlay dhismama iskuulkaan jaaliyadda u dhalatay Degaanka ee dibadaha ku nool si eey fursad wax barasho u helaan dhallaanka degmada iyo nawaaxigeeda.

 

Waxaa kaloo ka mid ah waxyaabaha eey dad badani ku xasuustaan degmada iyada oo uu ku yaallo xabsi weyn oo eey ciidamadii asluubta ee dowladdii siyaad barre ku xabisi jireen dadka.

 

 

Waxaa kaloo xabsiga ka agdhaw god weyn oo lagu ciqaabi jiray maxaabiistii lagu soo xero xabsigaas sida ka muuqata sawirkan. Godkaasoo ay ka qodi jireen dhagaxa.

 

NOTE:-

 

Waxaa dib dambe idiinkugu soo bandhigi doonaa maqaalo mid mid uga hadlaayo Tuulooyinka iyo Degmooyinka aan kor ku soo xusnay oo dhammaantood ku yaallo geography ahaan  galbeedka HiiraanInsha’allaah.

 

Mahadsanidiin.


 

 

MAQAALLO

 

© Copyright   Buurweyn   All rights reserved